Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhigii Alshabaab ee Bu’aale & Dad loo xiray Weerarkaasi

Wararka laga helayo Gobolkaa J/Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn Culus ay ka dhacday Saldhig ay Al shabaab ku leeyihiin magaalada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta ayaa waxaa geystay diyaarado dagaal oo aan la ogeyn cidda leh, waxayna gantaallo la dhaceen saldhigga Alshabaab oo ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi iyo hubjooda.

Dadka degaanka ayaa sheegey in Diyaaradahaas Gantaallo dhowr ah ku garaaceen saldhigga Al- Shabaab. Waxaana aalaba degaankaasi weerarrada ka fuliya diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Ad

Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay xabsiga dhigeen dad rayid ah oo degaankaasi ku nool, iyagoo ku eedeeyay inay wax ka ogaayeen duqeynta xalay lagu qaaday salahigii Alshabab ee egmada Bu’aale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version