Isbaheysiga Sucuudiga oo qirtay in dad Caruur u badan ku laayeen Dalka Yemen

Isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen ayaa si rasmi ah u qirtay inay duqayn dhanka cirka ah ku laayeen tobonaan qof oo rayid ah, una badnaa caruur oo saarnaa Gaari Bas ah bishii lasoo dhaafay, waxayna ku sheegeen inuu ahaa khalad militari oo aan loo qasdin.

Baaritaan uu sameeyey isbahaysiga Sacuudiga ayaa lagu ogaaday in khalad uu dhacay – wuxuuna sheegay in dadkii masuulka ka ahaa weerarka lala xisaabtamo. Dadka dhintay ayaa caruur u badnaa, weerarka ayaa waxaa ka dhashay dhaliilo caalami ah oo kadhan ah duqaymaha uu Sucuudigu hormudka ka yahay ee kadhanka ah fallaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xulafada uu horkacayo Sacuudiga ee weerarada cirka ka geysanaya Yemen.

Ad

Warbixin uu soo saaray guddiga xuquuqda carruurta ayaa sheegay in weerarrada aan kala sooc laheyn ee ay xulafadu ku hayso goobaha dadka rayidka ah, ay ku dhinteen boqolaal carruur ah

Waxa ay sidoo kale dhaleeceysay waxa ay ugu yeertay tallaabooyin gaajo loogu dilayo shacabka. Warbixinta ayaa sheegaysa in ka badan saddex milyan oo carruur ah in ay wajahayaan nafaqa darro, iyadoo ay xaalad bani’aadanimo oo xun ay halkaa ka taagan tahay.

Xulafada uu horkacayo Sacuudiga ayaa ku adkeysanaysa in duqeymaha cirka ay qaadayso aanay bartilmaameedsaneyn dadka rayidka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version