War Cusub oo kasoo kordhay Qabuuraha Iskuul Bolisiya iyo Wiilka Marxum Ajakis oo is bedelay

Isbedel ayaa ku yimid warkii saacadihii ugu danbeeyay qabsaday Baraha bulshada iyo warbaahinta ee ku saabsanaa amarka aha in Meydadka laga Qabuuraha Iskuul Bolisiya.

Arrintan ayaa waxaa saxaafadda kala hadlay wiil uu dhalay Marxuum Cabdi Muriidi Ajakis oo sheegay inay maanta Meydka aabahood kala baxeen Qabuuraha, markii ay maqleen in amar lagu bixiyay in meydadka laga saaro qabuurahaasi.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale. Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.ayuu yiri Maxame Jaceelow oo ah wiil uu dhalay marxuum Ajakis.

Ad

Saacado kadib markii warkaasi baahay oo siyaabo kala duwan ay uga fa’iideysteen siyaasiyiin iyo kooxaha Mucaaradka dowladda ayaa waxaa dhacday inay Booliska u yeereen wiilka Ajakis, kadibna mar kale ayuu saxaafadda la hadlay, isagoo sheegay inaysan jirin amar lagu siiyay inay meydka la baxaan ay iyagu ka timid arrintaasi.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay been abuur tahay wararka la faafiyey ee ku saabsan in amar lagu bixiyay in Meydadka laga saaro Qabuuraha Iskuul Bolisiya, wuxuuna caddeeyay in Reer Ajakis ay iskood u doorteen inay la baxaan aabahood, loona fasaxay.

“Ma hirto cid amartay in Qabuurahan la faago, laakiin qofkii doonaya inuu Meyd la baxo xor ayuu u yahay. Ma jiro wax amar ah oo Booliska kasoo baxay oo ku saabsan in Qabuuraha laga saaro meydadka” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version