Hay’adda NISA oo xirtay Xarumihii Shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho

Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa albaabada isugu dhufatay oo xirtay xarumaha waaweyn ee Shirkadda Hormuud iyo Bankiga Salaam.

Arrintan ayaa timid, kadib markii shirkadda Hormuud ay qoraal ay soo saartay maanta ku eedeysay inay Hay’adda NISA ku heyso cabsi gelin, ayna xirtay qaar ka mida shaqaalaheeda, balse Hay’adda NISA ay ugu jawaabtay qoraal kale oo ay ku caddeysay in qaar ka mida shaqaalaha Shirkadda ay wadashaqeyn la leeyihiin Alshabaab.

Ciidamo wata Gaadiid dagaal oo ka tirsan Hay’adda NISA ayaa albaabada isugu dhuftay Xarunta ugu weyn Shirkadda Hormuud ee suuqa Bakaaraha, waxay kaloo ciidamada NISA xireen xaruntii shirkadda ee Xamarweyne iyo xarumo kale.

Ad

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo raaceysa Sharciga Hay’adda iyo kan la dagaallanka Argagixisada ayaa soo xirtay qaar ka mid ah Howlwadeennada shirkadda Hormuud oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda NISA.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la xiray qaar ka mida howl-wadeenada Shirkada Hormuud. NISA ayaa hore u xirtay shaqaale ka tirsan Shirkadda, kuwaas oo maalmo kadib ay sheegtay inay baxsadeen.

Xiisada cusub ee ka dhex taagan shirkadda Hormuud iyo Hay’adda NISA ayaa xildhibaannada qaarkood ku tilmaameen dagaal ganacsi iyo dano dhaqaale, iyagoo Agaasimaha NISA ugu baaqay inuu joojiyo beegsiga Hormuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version