Dagaal ka dhex qarxay Ciidamada Amxaarada iyo kuwa Tigreega ee dalka Itoobiya

Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in inuu dagaal ka dhex qarxay ciidamada kala taabacsan maamullada Amxaaradda iyo Tigreega.

Dagaalka maleeshiyooyinka Amxaarada iyo Tigrega ayaa ka bilowday degaank Raya Alamata oo labada maamul uu mid kasta sheeganayo, balse hoostegi jirtay Koonfurta Tigreega, kadibna ay la wareegeen maleeshiyada Amxaaradda.

Iska hor imaadyada dhex maraya ciidamada maamullada Tigreega iyo Amxaarada oo salka ku haya lahaanshaha degmada Raya Alamata ayaa bilowday toddobaadki hore iyagoo dhaliyey qasaare culus iyo barakac.

Ad

Mas’uuliyiin ka tiran Maamulka Amxaarada ayaa ku eedeeyay maleeshiyada Tigreega ee TPLF in weerar ku soo qaadeen weerar ballaaran, arrintaas waxaa beeniyay madaxa gobolka Koonfurta Tigray oo ku eedeeyay maleeshiyada Amxaarada ay weerarka bilaabeen.

Madaxa Ismaamulka KMG ah ee Tigray Getachew Reda ayaa ku eedeeyay caddowga diidan heshiiska nabadda ee dowladda Itoobiya dhex maray inay weerar kusoo qaadeen degaano ka mida Tigray.

Maamuka Amxaarada ayaa ku eedeeyay kooxaha Tigreega inay soo galeen qeybo ka mida degaanadooda. Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dhinaceeda sheegtay inay ciidamadeeda gacanta ku heyn doonaan dhulka lagu muran san yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version