Madaxweyne Xasan Sheekh: “Askarigii lagu arko inuu Balwad leeyahay waa iska tegayaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud, isgoo la dardaarmay ciidamo dagaalka Alshabaab ku biiraya iyo ciidamo tababar u tegaya dalka Turkiga.

Khudbad uu ciidamadan u jeediyay Madaxweynaha ayuu ku caddeeyay in ciidamadan lasoo xulay oo tabbabar heer sare la siin doono, lagana rabo inay dhammeystiraan Alshabaab oo dalka oo dhan ka saaraan.

Ciidamada uu kula hadlay Turksom ayuu u sheegay in lagu soo xulay inaysan lahayn Balwad, haddii uu ku jiro askar Balwad lehna uu si khalad ah kusoo galay. “Ciidankan tababarka cusub u socdo inuusan ku jirin.. Ninkii lagu arko Balwad-na waa iska tegayaa, nagama tirsana, si khalad ayuu kusoo galay meeshay, waana shardi la idinku soo xulay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Wuxuu kaloo ciidamada kala dardaamay kala-danbeynta (Dishibiliinka), isagoo sheegay inuusan jiri karin ciidan aan lahayn kala danbeyn, isagoo kula dardaarmay ciidamada tababarka gaarka ah la siiyay inay xil iska saaraan dagaalka ay u geli doonaan xoreynta dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version