Yuusuf Garaad: Saacado ayaa ka harsan Go’aanka ICJ ee Berrito [Badda muranka gashay ka weyn baaxadda]

-

- Advertisement -

Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya waa mid aad u muhiim ah.  Waxay labada dal isku haystaan bad uu bedkeedu yahay 142,000 km oo laba jibbaaran.  Waa bed ka baaxad weyn dhulka Somaliland oo dhan.

Waxaana la rumeysan yahay aagga badweynta India ee ay Soomaaliya iyo Kenya ay lahaashaheeda ku muransan yihiin in uu ku jiro kheyraad badan oo dabiici ah oo uu ka mid yahay shidaal.

Berri ayay magaalada Hague, Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu (ICJ) ku dhawaaqi doontaa go’aanka ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee Kenya ee ku saabsan dacwadda Soomaaliya ay ku dalbeyso in la cayimo soohdinta badeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda ICJ sannadkii 2014.  Kenya waxay iyaduna Maxkamadda u gudbisay diidmo ay dooneyso in ay Maxkamadda ka hor istaagto in ay qaaddo dacwadda.

- Advertisement -

Kenya waxaa ay cuskatay is afgarad ay la gaartay Soomaaliya 2009 oo waxyaabaha ku qoran ay ka mid tahay in ay labada dal ka wadahadlaan wixii khilaaf ah ee ka jira soohdinta badda.

Soomaaliya waxaa ay ku doodday in ay labada dowladood ay ka wadahadleen khilaafkan, ayna ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan soohdinta.

Maxkamadda ICJ waxay bishii September 2016 dhegeysatay doodaha Qareennada Caalamiga ah ee matalaya labada Dowladood.

Berri galab saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham, uu ku dhawaaqi doonaa go’aanka Maxkamadda.

Sida Soomaaliya ay dooneyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in ay dacwaddan hadda gasho waxay noqon doontaa in Kenya la siiyo wakhti ay ku diyaariso waxa ay isaga daafaceyso kiiska ay Soomaaliya ku oogtay Kenya.

Markaasna la galo dhegeysiga dacwadda, taas oo wakhti dheer qaadan doonta.

Sida ay Kenya dalbeyso, haddii ay Maxkamaddu go’aan ku gaarto in aanay dacwaddan furi doonin, waxay noqoneysaa in Soomaaliya ay dacwaddeeda dib ula soo noqoto oo markaas ay wadahadal la furto Kenya.

- Advertisement -

Ergada Soomaaliya

Berrito waxaa goob joog ka ahaan doona Hague, wafdi Soomaaliya ah oo uu hoggaaminayo Xeer Ialaaliyaha Axmed Cali Daahir,  Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi oo isagu ah wakiilka Soomaaliya ee dacwadda ayna wehliyaan Danjirayaal dhowr ah iyo Muna Sharmaan oo ah Qareen Soomaaliyeed oo dacwaddan billowgeedii ilaa iyo hadda gacanta ku haysa sumcadna uga kasbatay Soomaali badan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ):

ICJ waa mid ka mid ah Hey’adaha Qarammada Midoobay.  1945 ayaa la unkay.  Waxaa ay ku saleysan tahay Axdiga Qarammada Midoobay.  Xarunteedu waa Hague, dalka Netherlands.  Waxaa ay ka kooban tahay 15 Garsoore oo midkiiba 9 sano ay xilka u doortaan Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 193 dal iyo Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay oo ay xubno ka yihiin 15 dal.  Garsoore kastaa waa in uu helaa aqlabiyadda codadka labada Gole si uu xilka u qabto ama uu u sii hayo.

Markaa Garsoore kasta oo ka tirsan ICJ wuxuu u baahan yahay codadka Dowladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.

Hadda waxaa Guddoomiye u ah Ronny Abraham oo dhalashadiisu ay tahay Faransiis kuna dhashay magaalada Alaxendria ee dalka Masar.  Guddoomiye ku Xigeenka ICJ waa Cabdiqawi Yusuf oo ah Soomaali.

- Advertisement -

Posted by Yusuf Garaad 

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho. Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Dad ku dhintay Qarax ku Qabsaday Guri lagu diyaarinayay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa laga maqlay xaafado ka mida caasimadda Muqdisho, kuwaas khalkhal ku abuuray dadka. Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa...

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Su’aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha XDS

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa su'aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka, iyadoo ka dalbaday inay muddo...

Alshabaab oo la wareegtay Degaan muhiim ah oo hore looga saaray Gobolka SH/Dhexe

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay Degaanka Cali Fooldheere ay ka wareegeen maanta, kadib weerar kedis ah oo ay...

Saraakiisha loo xiray Leexsiga Saadkii Ciidamada Danab iyo Maraykanka oo ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kiiska lagu leexsaday Saadkii qaar ka mida ciidamada Danab ee Kumaandooska Soomaaliya oo ah ciidamo uu si gaara...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab. Qoraalka Wasaaradda ayaa...

RW Xamse oo joojiyay Shirarka iyo Seminaarada ay Hay’adaha dowladda u aadaan Dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kasoo saaray shirarka iyo seminaaradda ay dalalka dibadda u aadaan Hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Xamse Cabdi Barre...

XOGAHA QARSOON

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho. Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab. Qoraalka Wasaaradda ayaa...

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...
Exit mobile version