Weriyaha caanka ee dhinaca xayeysiinta iyo wacyi-gelinta bulshada C/llaahi Muuse Kalgacal ayaa muddo bil ku dhowaad ah u xiran mid ka mida shirkadaha ugu awoodda badan Soomaaliya.
Weriye Kalgacal ayaa 28-kii bishii Maarso koox Boolis ah ka xireen maqaayada hooyooyinka, iyagoo ku xiray xarunta dembi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.
Sababta loo heysto weriye Kalgacal ayaa lagu sheegay inay soo dacweysay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo ka cabatay warar uu ka qoray, waxaana ay awooddeeda u adeegsatay in weriyahan loo awood sheegto.
Arrimaha la yaabka leh ayaa noqotay inaan wax maxkamad ah la soo taagin, isla markaana aan la araag, lana maqlin cid u doodeysa ama soo hadal qaadeysa Warbaahinta Muqdisho iyo ururrada sheegta inay u doodaan xuquuqda saxafiyiinta.
Hay’adaha Garsoorka, wasaaradda Warfaafinta iyo madaxda sare ee dowladda ayaan soo faragelin arrinta lagu heysto weriye Kalgacal ee mudadda Bisha ah xoriyadiisa looga qaaday.
Goobjooge.com