Wasiirka cusub ee Waxbarashada oo soo saaray Wareegtadiisii ugu horeysay [Nidaamka Waxbarahada]

Wasiirka cusub ee Waxbarashadaxukuumadda Soomaaliya Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegtadii ugu horeysay oo ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka, iyadoo uu dhowaan furmayo  sannad dugsiyeedka Waxbarshada.

Waxaa wareegtada saxaafadda u akhriyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa, iyadoo lagu sheegay in si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka in lasoo saaray nidaamka hirgelinta Waxbarashada dalka.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA WAREEGTADA

Ad

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

- Advertisement -

T-Imtixaanka fasaladka afraad waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J-shahaadda dugsiyada sare waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan Sabtiga ugu horeeya ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

- Advertisement -

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.
Afka carabiga waxaa maado ahaan laga bilaabayaa fasalka koowaad dugsiga hoose.
Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.
Dugsiga sare waxaa wax lagu baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.
5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.
Dugsiga dhexe wuxuu qaadan 8 maado.
Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.
Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood
Dugsiga dhexe wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.
Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version