Somaliland ayaa shaqadii ka joojisay Laba Telefishan oo Degaanadeeda ka howlgala

Maamulka Somaliland ayaa degaanadeeda ka mamnuucday, shaqadiina ka joojisay laba ka mida Telefishanada Soomaalida ee ka howlgala Somaliland.

Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay maanta shaqadii uga joojisay in Telefishanada SBS iyo SOMNews oo laga joojiyey inay ka shaqeeyaan Somaliland, waxaana lagu eedeeyay inay  ku xadgudbeen sharciga saxaafadda ee Somaliland.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Telefishanka SOMNEWS uu baahiyey shir saxaafadeed ay qabteen odayaasha magaalada Laascaanood qaarkood oo sheegay inay ka horjeedaan joogitaanka Somaliland ee Sool.

Ad

Dhinaca kale telefishanka SBS ayaa isna baahiyey haween iyo dhalinyaro mudaaharaad ka sameeyay magaalada Laascaanood oo ka cabanaya sida maamulka Somaliland ula dhaqmay iyo dad lagu xirxiray magaalada.

Somaliland ayaa ruqsadii kala noqday labada telefishan oo lagu eedeeyay inay ku kaceen falal lagu sheegay inay  ka hor imaanayaan Qaranimada Somaliland. Agaasimaha telefishanka SOMNEWS  Xayaad Naaleeye ayaa waxay sheegtay in aanay jirin warqad ama qoraal kasoo gaadhay wasaaradda warfaafinta Soamliland taasi oo lagu amrayo inay shaqada joojiyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version