Maxaa dib loogu dhigay socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa Afgooye..? [Warbixin Xasaasi ah]

Dib u dhacyo is dabajoog ah ayaa ku dhacay safar shaqo oo la filayey inuu madaxweynaha Soomaaliya ku tago degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho oo muddo 5 maalmood ah ay ka socdeen howlgallo waaweyn ay ka socdeen.

Waxaa Afgooye la isugu geeyay ciidamadii ugu faraha badnaa, waxaana tegay saraakiisha ugu sareysa ciidamada milateriga, Booliska iyo Abaanduulaha ciidamada Milateriga iyadoo gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan lagu daadiyey xaafadaha iyo hareeraha degmada Afgooye si loogu gogol xaaro tegista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Isbedel weyn ayaa laga dareemay degmad Afgooye iyadoo dadka magaalada ay is weydiinayeen waxa ka socda iyo ujeedka howlgallada iyo ciidamada faraha badan ee la geeyay Afgooye, laakiin ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay lagu waday inuu tago Afgooye uu ka baaqsaday.

Ad

Sababta keentay baaqashada tegitaanka Farmaajo ee  ee Afgooye ayaa la sheegay inay isugu jiro arrimo amni iyo talo ka timid saaxiibadiisa oo kula taliyey inuusan xilligan tegin Afgooye, inkastoo aya kumanaan ciidamo ah ku sugan yihiin si ay amnigiisa u sugaan.

Waxaa qorsahaha ahaa inuu dego Beerta Sheekh Zaid oo muddo 2 ilaa 3 maalmood ah uu halkaasi ku sugnaado, laakiin waxay saraakiisha iyo ciidamada loo diray Afgooye weli ka war sugayaan tegista Farmaajo oo aan la ogeyn in gebi ahaan la joojiyey iyo inay dhici doonto.

Madaxweyne Farmajo ayaa Afgooye tegay laba bilood kadib marki xilka loo doortay ah ku beegan May 2017, waana markii labaad ee uu doonayo inuu degmada Afgooye booqasho ku tago, taasoo Muqdisho u jira 30 KM oo kaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version