FARMAAJOOW MA SIDAAN BAAD NOQOTAY?: Waa dhacdo Musuq ah oo qabsatay Muwaadin !

-

- Advertisement -

Saakay waxaan usoo baxay inaan shaqooyin dhowr ah qabsado anigoo g’oaansaday inaa ku hor maro Xamar wayne si aan uga soo adeegto maadama aan safar ahay.

Markii aan in cabaar ah socdaywaxaaa na istaajiay ciidamada taraafic (Wadooyinka) ayagoo iwaydiiayay sharciyadeyda, dhaman waan tusay, kadibna waxa uu igu yiri jidka dhexdisa aad istaagtay qalad ayay aheed waxaan ku iri adiga ayaa i istaajiyay
Intaa kadib wuxuu igu iyiri waa in aad ganaax bixiso iyo in aan fisha tarafiko ku geeyo kala dooro,

Anigoo oo isku kalsoon ayaan dhahay fisha taraafiko igeey adiga ayaanba dacwad kaa ahaye, askari qori wata ayaa horey iisoo fuulay waan tagnay meeshii,

Askarigii waxa uu war ka bilaabay taliye baabuur qalad galay ayaan soo qabtay, isagana dacwad aan qabaa ayu leyahay, ilaa intaas waxaan islahaa hadal ayaa lagu dhihi doonaa, taliyaha fadhiya meesha waxa la iigu sheegay magaciisa baakay,

- Advertisement -

Talayaha wuxuu hadal ka bilaabay asoo leh anaga shacab ma dhgaysanee askari waa fasaxantahay waajibkaada waa gudatay, adigana yaroow 30$ oo ganaax ah iska bixi.

Waxaan ku dhahay marka hore maa i dhagaysatid taliye?

Waxa uu u yeeray 2 askari waxa uuna amaray hadan hadalka badiyo in la ixiro dadki dhan ayaa halmar gees iila baxay oo yiri meeshan maanta ma kuugu horeysa?

Sxb waqti ha iska dhumine iska bixi lacagtan ilaahaa meel kale kaa siinaayee.

Lama yaabaneen lacagta laakiin sida wax u dhacayaan ama xafiiskaas uu shacabka ula tacaamulo iyo dadka dulman ayaan aad ula yabay,

Waxaasa iiga sii darneed markaan bixiyay lacagtii aheed $30 oo u dhiginta 690,000 shilin somali. boonada la isiiyay waxaa ku qornaa ganaax dhan 100,000 shilin somali waan sii quustay halka ay wax marayaan markaan arkay.

Umada somaliyees Allah ayaa u maqan.
#Long_way_to_have justice_in_Somalia.

- Advertisement -

Hoos ka eeg Sawirada Boonada iyo EVC Ka aan lacagta ku diray Qiimaha la iga qaaday iyo qiimaha Ku qoran boonada

Fadlan muwaadin adoo mahadsan sii Qeeybi si cadalaada loo hor keeno taliye Bakaay iyo kooxdiisa.

W/Q: Sacid Islam

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Dad ku dhintay Qarax ku Qabsaday Guri lagu diyaarinayay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa laga maqlay xaafado ka mida caasimadda Muqdisho, kuwaas khalkhal ku abuuray dadka. Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa...

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Su’aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha XDS

Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa su'aalo adag u diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka, iyadoo ka dalbaday inay muddo...

Alshabaab oo la wareegtay Degaan muhiim ah oo hore looga saaray Gobolka SH/Dhexe

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay Degaanka Cali Fooldheere ay ka wareegeen maanta, kadib weerar kedis ah oo ay...

Saraakiisha loo xiray Leexsiga Saadkii Ciidamada Danab iyo Maraykanka oo ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Kiiska lagu leexsaday Saadkii qaar ka mida ciidamada Danab ee Kumaandooska Soomaaliya oo ah ciidamo uu si gaara...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab. Qoraalka Wasaaradda ayaa...

RW Xamse oo joojiyay Shirarka iyo Seminaarada ay Hay’adaha dowladda u aadaan Dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kasoo saaray shirarka iyo seminaaradda ay dalalka dibadda u aadaan Hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya. Xamse Cabdi Barre...

MD. Xasan Sheekh oo Qoraal kasoo saaray Xiriirka kala dhaxeeya Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal kasoo soo saaray xiriirka dowladiisa kala dhaxeeya dowlad Gooleedyada, gaar aan Mamaulka Puntland, wuxuuna ku faahfaahiyay qaabka uu...

XOGAHA QARSOON

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab. Qoraalka Wasaaradda ayaa...

XOG: Qorsheyaasha uu xambaarsan yahay Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sodaal shaqo ku gaaray maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayey madaxtooyada Soomaaliya...

XOG: Qodobadda Madaxweyne Xasan Sheekh ka tanaasulay & Qodobka uu ku tiirsan yahay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo olole ugu jiray dhammeystirka Dastuurka KMG ah ayaa ka tanaasulay laba Qodob oo xasaasi ahaa, kana mid ahaa...

XOG: Khilaaf ka dhashay Nuqulka ugu danbeeya ee la ansixinayo 4-ta cutub Dastuurka Cusub

Kulankii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ee la filayay in maanta lagu ansixiyo 4 cusub oo ka mida Dastuurka KMG ah ayaa dib...
Exit mobile version