Ciidamada NISA oo magaalada Muqdisho ku xiray Afhayeenkii Maamulka Galmudug [Yaa ka danbeeya..?]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada nabadsugidda NISA ay magaalada Muqdisho ku xireen afhayeenkii Maamul Goboleedka Galmdug ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay).

Sida wararku sheegayaan ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka qabtay xiray afhayeenka xilli uu marayey meel u dhow isgoyska Sayidka, kadib markii Gaari uu watay  lagu hor gooyey Gaari Cabdi-bile ah, kadibna ay ciidamada NISA kala degeen, markii indha laga xirayna la saaray Gaariga ciidamada.

Xogta ayaa sheegeysa in xariga Afhayeenka Galmudug uu ka dambeeyo Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir Mudane Saadaq Joon, waxaana la sheegay in loo heysto warar uu ku qoray baraha bulshada oo uu ku cambaareynayo dowladda iyo hay’adaha ammaanka.

Ad

Maamulka Galmudug iyo Hay’adaha Amniga ayaa wax faahfaahin ah ka bixin xariga Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay) oo gacanta ugu jira ciidamada NISA.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la sii daayey Afhayeenka, kadib markii su’aalo la weydiiyey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version