Axmed Madoobe: “Doorasho miyuu qaban karaa Ra’iisal Wasaare aan cadaalad u heli karin Gabar la dulmiyey?”

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo kula hadlay siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan, isagoo faahfaahiyey aragtidiisa xaaladda dalka ee Doorashada, khilaafka Madaxda Dowladda iyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax

“Maalin cad ayuu Farmaajo wareejiyey Doorashada, markii wax waliba socon waayeen. Doorasho ma soconeyso haddii aan Amniga gacanta lagu heynin.. Ma Doorasho ayuu sameyn karaa Ra’iisal wasaaraha haddii Gabar sarkaalad ah oo la dulmiyey, kana tirsaneyd NISA aanu cadaalad u heli karin..? .. Ra’iisal wasaaruhu ma qaban karo shaqo dhinac lala heysto” ayuu yiri Axmed Madoobe.

“Ma laba-labeynayo Heshiisyadii aanu gaarnay marka la isku daro shaqada maanta dalka ka socoto waxa iska leh oo mas’uul ka ah Golaha fulinta ee uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha.., isagaa Waddanka mas’uul ka ah.. Ra’iisal wasaaruhuna waxba kuma qaban karo Middi Daabkeeda la heysto..” ayuu si cad u yiri Axmed Madoobe.

Ad

Wuxuu Axmed Madoobe uu sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil uu fure iyo nasri u yahay dulmi badan oo la geystay in bannaanka la keeno, sidoo kalena ay tijaaabo u tahay Ra’iisal wasaaraha, iyaguna ay ku garabn taagan tyihiin Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu uga digay Maxamed Farmaajo inuusan Kiiska Gabadha Ikraan sababsan dad badan oo maanta siyaasadda ku jiray, kana wareego caqabada uu maalin kasta ku hayo Ra’iisal wasaaraha.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version