Wiil uu dhalay Imaam Maxamuud oo la wareegay duubkii Imaamnimo ee Beesha Mudulood

Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ka mid Durriyadda reer Imaam Cumar ee Duubka Mudulood ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq uu doonayo inuu ciriiri ku geliyo, xilka duubnimada kala wareego Imaamka xilka sii haya ee Imaam Maxamud Yuusuf.

Daahir ayaa dhowaan saxaafadda u sheegay inuusan adeerkiisa xilkaasi heyn karin, siiba xilligan kala guurka ah ee ay dhismayaan maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo dowladda cusub 2016, wuxuuna sheegay in eedo badan uu reerka imaamka u soo jiiday sanadkii 2012 sidii uu wax u maareeyay.

Daahir Imaam Maxamuud ayaa qas iyo tallaabo aan laga fileyn ka sameeyay shir wadatashi ahaa oo Muqdisho ka dhacay, waxaana iminka uu aaday magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan isagoo marti u ah Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle.

Ad

Tallaabooyinka uu wado wiilka uu dhalay imaamkii hore ee Beesha Mudulood ee Daahir waxaa ka deyriyay waxgarad ka tirsan beesha oo kula taliyay inuusan hay;adii dhaqanka ugu sareysay ka joojiyo khilaafka iyo muranka, laakiin waxaa muuqata in saameyn ku yeelatay xaalada kala guurka ah ee dalku marayo, isagoo hadda isu caleemo saaray ka wareegidda Imaam.

Caadiyan waxaa xilka Imaamnimo leh wiil uu dhalay Daahir oo da’ ahaan yar, waxaana duubista Imaamku ay leedahay qaab loo maro oo soo jeedin, aqbalid iyo gogol wadajira leh, taasoo aan dhicin, waxayna isla arrintan oo kale heysataa xilka Ugaasnimo ee beesha oo muddo dheer hawada ku laalan.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version