Xiisadda ka dhex taagan Turkiga & Imaaraadka oo ka sii dartay [Daawo Tallaabo la yaab leh oo Turkigu qaaday]

Turkiga ayaa si rasmi ah u bedelay magaca iyo astaanta wadadda ay ku taallo safaaradda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay magaalada Ankara, kadib hadal dhaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhexgalay.

Tallaabada la yaabk aleh ee Turkigu qaaday ayaa ah in Wadadda waxaa lagu magacaabay  Fahreddin Pasha oo ahaa hoggaamiye ka mida Khilaafadii Cusmaaniyiinta, oo dhowaan Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka uu internetka ku baahiyay isagoo cambaareynaya kuna tilmaamay nin dhacay hantidii dadka reer Medina.

Cabdallah bin Zayed al Nahyan wuxuu Twitter-ka ku qoray eedeyn uu u jeedinayo Pasham iyo awoowayaasha madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Mr Erdogan ayaa si adag uga jawaabay eedahaasi. [Akhri Warkan]

Ad

Farriinta Twitter-ka waxay sheegeysaa in Pasham uu si xun ula dhaqmay Carabta muddadii uu maamulayay magaalada Madina, horraantii qarrnigii 20-aad, wuxuuna sheegay “in ciidammadii ninkaasi ay xiriir la leeyihiin Mr Erdogan.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa difaacay barasaabkii hore ee magaalada barakeysan ee Madina, wuxuuna su’aal geliyay jiritaanka awoowayaasha wasiirka Imaaraatka.

Mr Erdogan wuxuu wasiirka u sheegay “in uu shaqadiisa garto” oo shimbirba shimbirkiisa uu la duulo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eeda ay tahay “aflagaado”. Madaxweynaha Turkiga ayaa dalka Imaaraatka ku tilmaamay meel ay kharibeen “lacag iyo shidaal”.

- Advertisement -

Diblumaasi sare oo Turkiga ka joogay Dubaay ayaa looga yeeray Ankara si uu cabasho rasmi ah u gudbiyo. Xiriirka ka dhexeeya labada dal ayaa xumaanayay bilihii ugu dambeeyay ka dib markii Turkiga uu la saftay Qadar oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo wadammada khaliijka oo ku eedeeyeen in Doxa ay argagixisada taageerto.

Maayarka magaalada Ankara ayaa bartiisa bulshada ku xaqiijiyay in magaca waddada la bedelay. “Hadda laga billaabo, cinwaanka safaaradda waa in uu si rasmi ah u muujiyaa waddada Difaacaha Madina, Fahreddin Pasha. Nasiib wacan,” ayuu yiri Mustafa Tune oo Twitter-kiisa ku qoray farriintaas oo ah luqadda Turkiga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version