Sheekh Xasan Daahir oo Muqdisho ugu danbeyn laga saarayo xabsiga (Faahfaahin qorshaha dhoofinta Sheekha)

Hogaamiyihii hore ee ururkii Xisbul Islaam, kadibna ku biiray Alshabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu danbeyn lagu wadaa in laga sii daayo xabsi gaara oo lagu hayay muddo ka badan 20 bilood, isagoo la geyn doono dal Carbeed oo looga helay  deganaansho gaara.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir la geynayo dalka Qatar oo ka mida dalalkii sida weyn u taageeri jirtay Xisbul islaam, xiriir gaar ahna la lahayd oo arrintiisa waanwaan uga jirtay tan iyo intii uu u soo gacan galay dowladda Federaalka Soomaaliya. Faahfaahin heshiiska lagu gaaray in Xasan Daahir loo wareejiyo Qatar ayaa weli soo baxeysa iyadoo hore dadaal loogu jiray in la geeyo dalalka Turkiga iyo Qadar midkood.

SOMALIA-UNREST-AWEYS

Ad

Dalka Qatar oo hoy u ah diblomaasiyiin ka tirsan ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan, isla markaana xiriiro fiican la leh kooxaha islaamiga ah ayaa dhinaca kale ku xiran Mareykanka, waxayna sanadkii hore heshiis yaab leh dhex dhigtay Daalibaan iyo Mareykanka oo is weydaarsaday maxaabiis.

[ad name=”HTML-2″]

Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Sheekh Cumar Imaan Abuubakar ayaa hore u tegay dalka Qadar markii uu ka degay xilka ururkaasi, isagoo sheegay inuu ka leexday khadkii saxda ahayd ee uu asaasay. Sheekh Xasan Daahir ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la geeyo dalka Qadar, halkaas oo lagu soo afjari doono xaalada aan sharciga ahayn ee lagu hayay Sheekha.

- Advertisement -

Dowladda Federaalka ayaa ku guuldarreysatay inay maxkamad soo taagto Sheekh Xasan arrimo beeleed dartood, wuxuuna Sheekhu diiday inuu si cad u sheego inuu khalad ku jiray kana towbad keenay si cafis loogu fidiyo, taasoo sii adkeystay qaabkii xaalada Sheekha loo furdaamin lahaa.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

- Advertisement -

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version