Shariif Xasan oo xilkii ka qaaday Wasiir ka tirsan maamulkiisa oo baraha bulshada ku weerarray [Akhriso]

Madaxweynaha Koofur Galbeed ee waqtigiisu dhammaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xilkii ka qaaday Wasiiru dowlihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha  maamulkiisa, kasoo ka soo horjeestay.

Wasiiru dowlaha Abba Aawoow Suufi Caffan oo sidoo kale ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa baraha bulshada ku cambaareeyay Shariif Xasan isagoo si kulul u dhaliilay waxqabadkiisa iyo maamulkiisa, taasoo keentay aakhiru saac in xilka laga qaado.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koofur Galbeed 5-tii bishan oo ku beegneyd shalay ayaa xilka looga qaaday wasiiru dowlaha, waxaana loo sababeeyay anshax xumo iyo aflagaado ka baxsan hab maamuuska iyo sharafka Golaha Wasiirada Koofur Galbeed.

Ad

HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version