Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan oo lagu dhaawacay weerar lagu khaarijin lahaa

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan la weerarray, isagoo ku dhaawacnay isku day dil ooga shakisan yahay, xilli uu qeyb ka ahaa bannaanbax ay dhigayeen taageerayaashiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu dhaawac soo gaaray Imran Khan, iyadoo warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in rasaastu ka haleeshay Lugta.

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay gaariga Imran Khan, isagoo u adeegsaday Qori Rash, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Afar ruux halka Imran Khan loola cararay isbitaalka, waxaana la sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay. Ninka weerarka geysatay ayaa la qabtay.

Ad

Hogaamiye sare oo ka tirsan xisbiga Tehreek-e-Insaf (PTI) ee Pakistan, Faisal Javed, ayaa sidoo kale la dhaawacay. Weerarka ayaa dhacay xilli taagerayaasha Xisbiga ku socdeen isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee waqooyi bari Pakistan.

Ra’iisal wasaaraha hore ayaa waxa uu horkacayay mudaaharaad halkaas ka socday oo ku baaqayay in doorashooyin degdeg ah ay dalka ka dhacaan. Bishii hore waxa uu ka horyimid go’aan ay soo saareen guddiga doorashada Pakitan oo ka mamnuucaya in uu qabto xafiis dowladeed muddo 5 sano ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version