Qareen Keenyaati ah oo soo jeediyay in Soomaaliya lagu daro Dalka Kenya [Akhriso Qormo xiiso leh]

-

- Advertisement -

Qareen u dhashay dalka Kenya, kana tirsan Maxkamadda Sare ee dalkaasi Karanja Kabage  ayaa soo jeediyey in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku midoobaan hal dal, sida uu ku qoray Maqaal ku soo abxa  jariidadda Daily Nation.

Qareenka oo dhinaca kale ah nin si joogto ah uga hadla Telefishanada, isla markaana qoraa ah ayaa qaba  inay haboontahay inay midoobaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo is-weydiiyey inkasta oo Soomaalida ku xiran tahay bariga dhexe haddana maxaa ku jaban inay la midoobaan dalka Kenya..?

Wuxuu sheegay in dhul ahaan in bedka Kenya yahay 582,000 KM isku weerah iyo Soomaaliya oo  ah 637,000 square kilometers, halka xeebta Kenya ay tahay (490) iyo Soomaaliya (3,333km), tirada dadka Kenyaanka waxaa ay ku dhow yihiin 49 million halka Soomaalidana ay tahay ilaa 20 million.

Qareenka ayaa ku doodaya in waxyaabaha soo dedejin kara midowga laabda dal ay ka mid tahay  in Kenya ay heysto qaxooti badan oo Soomaali ah, sidoo kalana ay jiraan Soomaali deggan gobolka Waqooyi Bari oo jagooyin muhiim ah ka haya dowladda Kenya, isagoo Soomaalida ku sifeeyay dad howl-kar ah oo shaqo badan.

- Advertisement -

Maqaalka Qareen Kabage waxaa ku jiray, haddii labada dal ay ka midoobaan xagga difaaca, maamulka iyo xeerarka, arrimaha dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhulka iyo xeebaha, waxaa ay noqon-doonaan awood weyn oo dadka iyo deegaanka ah, taasi oo midowga bariga Afrika ka dhigeysa meel loo soo raadsado maal-geshiga.

Sidoo kale, haddii labada dal midoobaan waxaa ay dadka tiradoodu noqon-doonaan 70 milyan, waxaana la heli-doonnaa suuq fiican, waxaa sidoo kale aan ka faa’ideysneynaa ayuu leeyahay xeebta dherarkeedu yahay 3,800km.

Aragtidan ayaa la mida mid kale oo barbar socota oo ah in midoobaan dalalka Somalia iyo Itoobiya, waxayna hadda Soomaaliya u muuqataa dal aan gooni u istaagi karin.

HALKAN KA AKHRISO MAQAALKA OO DHAMMEYSTIRAN

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Madaxweyne Xasan Sheekh oo 4 Bilood Gudahood Socdaalkii Afraad ku jooga Dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana Madaxtooyada Nairobi ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Kenya William Ruto. Socdaalkan...

Shirkii Madasha Qaran oo Go’aan ka gaari waayey Qodobkii ugu Weynaa (War-Mutiyeed)

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay iyadoo shirku aanu wax go'aan ah kasoo saarin Qodobkii ugu muhiimsanaa ee...

Wiil 12 jir ah oo si fool xun loogu dilay Galgaduud iyo Dagaal Beeleedyo soo cusboonaaday

Waxaa mar kale dib u qarxay dagaal u dhaxeeya laba beelood oo kasoo jeeda Gobolka Galgaduud, iyadoo falkii ugu danbeeyay lagu dilay wiil 12...

Xujeydii ugu horeysay sanadkan oo gaaray magaalada Medina iyo Qiimaha Xajka oo..

Dufcadii ugu horeysay Soomaalida sanadkan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa xalay gaaray Magaalada barakeysan ee Medina, iyadoo sanadkan ay Soomaaliya ka xajin doonaan 11,500 Xaaji. Xajka...

Alshabaab lagu Duqeeyay Degaan ka tirsan Galgaduud iyo ciidamo badan oo ku qulqulaya…

Taliska ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa shaaciyay laba duqeyn oo lagu qaaday maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo ku sugneyd Gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Weerarradan cirka...

Maxkamadda Rafcaanka oo Dil Toogasho ah ku xukuntay Ninkii Gubay Xaaskiisa ee Sayid-Cali

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Goor dhoweyd ku dhawaaqday xukun ay ku riday eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan iinuu gubay Xaaskiisii Luul...

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo Xafiiska UNSOM Dib ugu soo celiyay Ergeygii Xilliga Farmajo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa mar kale dib u magcaabay James Swan inuu noqdo sii-hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud...

XOGAHA QARSOON

Dowladda Somaliya miyey ka laabatay go’aankii xeritaanka Xafiiska UNSOM..? (Nuxurka Qoraalka Cusub)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal cusub u dirtay Golaha Amniga Qaramada Midoobay, waxayna mar kale ku celisay sida ay u rabto...

Sida loo khaarijiyay G/Dhexe Aadan Biid, Cidda ka dambeysay iyo Siyaasiyiin ka hadlay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal Dil khaarijin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay Gaashaanle Dhexe Aadan Cumar Ahmed (Aadan...

Yaa ka danbeeya Qarxinta iyo Beegsiga Shaqaalaha iyo Xarumaha Shirkadda Hormuud..?

Waxaa sii kordhaya weerrrada iyo qaraxyada lagu beegsanayo shaqaalaha iyo xarumaha Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee magaalada Muqdisho. Qarixii ugu danbeeyay ayaa dhaliyay dhimashada Lix ka...

Fadeexad Cusub: Leexsiga Raashinka Ciidamada Danab iyo Go’aanka Dowladda Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Musuqmaasuq ka taagan Saadka dowladda Mareykanka siiso ciidamada Kumaandooska Danab. Qoraalka Wasaaradda ayaa...
Exit mobile version