Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh & Sheekh Shariif oo Baaqyo Nabadeed soo saaray [Akhriso]

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa baaqyo kala gaara kasoo saaray dagaalada beeleed ee ka socda qaar ka mida Gobollada dalka.

Xildhibaan Xasan Sheekh ayaa sheegay in muddo ku dhaw soddon (30) sano degaanno badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan ay ka dhacayeen dagaallo dhexmara dad isku degaan ah, ehel ah oo isdhalay ama isla dhashay, iyadoo aan marnaba kala guuri karin.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda Galmudug, madaxda Hirshabeelle iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iney gutaan waajibkooda ah badbaadada iyo ilaalinta badqabka shacabka meel kasta oo ay joogaanba. Madaxda maamullada sare ku xusan waxaan ugu baaqayaa in fiira gaar ah loo yeesho kuwa maalgeliya colaadaha iyagoo ku riyoonaya in dadkoodu u aqoonsa doonaan iney yihiin halyeeyo beeleed isla markaasna illowsan ammarkii Alle iyo waxa aakhiro sugaya..” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ad

Dhinaca kale Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa isna baaq u diray dadka ku dagaalama degaanada Xeraale iyo Cadalle oo ka kala tiran Galgaduud iyo Sh/Dhexe, wuxuuna baaqiisa ku yiri: “ Ugu horeyn waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya qayba kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe in ay shuruud la’aan colaadda u joojiyaan, islamarkaana gartaan in dagaal uusan faa’iido u lahayn dadka wada dhashay ee ehelka ah iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed. Marka labaad waxaan bogaadinayaa dadaallada Muqdisho iyo Shabeelaha Dhexe ka socda ee ah in colaaddaas laga hortago, dadka walaalaha ee wax kala tabanaya khilaafkooda lagu xaliyo is afgarad iyo is qancin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version