Laba ka mida taliyeyaasha sare ee Milateriga Soomaaliya oo lagu dilay Qarax iyo Warbixin laga helay

Wararka laga helayo Gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in qarax lagu dilay laba ka mida taliyeyaasha sare ee ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Qarax Miino oo aad u culus ayaa lala beegsaday Gaari ay la socdeen taliyihii guutada 12-ka April G/sare C/salaan Aadan Kurjow iyo C/sare C/raxman Jimcaale Muse oo dhinaca maaliyadda uqaabilsanaa Guutada, iyagoo qarax ku dhintay; wuxuuna qaraxu ka dhacay degaanka Dhannaane oo ahaa isla goobtii lagu dilay taliyihii hore ee Guutada Gen. Cumar Dheere.

Col. Abdisalam Adam Kurjow ayaa la magacaabay 26-kii Disember 2018, 20 maalmood kadib markii uu qarax ku dhintay taliyihii xilka uga horeeyay oo la qarxiyey 6-dii Disembar, wuxuu isaguna ku dhintay isla degaankii iyo qarax kale oo la sheegay inay Alshabaab u dhigtay.

Ad

Qaraxyada lagu dilay taliyeyaasha guutada ugu muhiimsan ciidamada Milateriga muddo 2 bilood gudadood ah ayaa muujineysa halista heysata ciidamada xoogga dalka oo maraya halkii ugu hooseysay sirdoon ahaan, waana markii ugu horeysay ee Alshabaab ay beegsato saraakiil heerkaas ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version