Kheyre oo shaaciyey sababta loo bixin waayey mushaarka Ciidamada & Shardi uu ku xiray.. [Akhriso]

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay Mushaar la’aanta iyo Garaam la’aanta heysata Ciidamada xoogga dalka, isagoo sheegay ina ciidamada aan helin mushaarka ay yihiin kuwa aan la diiwaan gelin Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayey munaasbad ay maamulka G/Baanadir ugu magac dareen is-dhex galka bulshada ayuu ka sheegay in Ciidamada la diiwaan geliyay ay qaataan Mushaarkooda, laakiin kuwa aan wali la diiwaan gelin ay socoto diiwaan gelintooda, ayna heli doonaan xuquuqdooda.

“Dhammaan Ciidamada la diiwaan geliyey waa qaateen mushaarkooda iyo Garaamkooda waxaana ugu shubnay Akoonaooda.. Taliye Indha-Qarshe iyo Taliye Bashiir Ameeriko aniga iigu imaada Mushaarka, Garaamka iyo dhammaan Xuquuqdda Ciidanka, laakiin aan idinkugu imaado Ciidan si Qaranka u shaqeeya”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ad

Wuxuu intaas sii raaciyey: “Ma ogolaan doono Askari Qaranka u diiwaan gashan oo ilaalo ka ah hotel ama qof gaar ah ilaalo ka ah, amaba qabta shaqo kale midna uu dhabarka u dhigto rasaasta iyo Qaraxyada Cadowga”.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qirtay in dalal bixin jiray mushaarka ciidamada sida Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka ay joojiyeen lacagtaasi, laakiin ay isku tashadeen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version