Iiraan oo weerar ku bilowday Diyaaradaha Drone-ka iyo Gantaallo ku qaaday Israel

Iiraan ayaa weerar rogaal celin ah oo la filayay ku qaaday dalka Isreal, iyadoo la xaqiijiyay in Diyaaradaha Drone-ka ay adeegsatay Iiraan.

Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay in Iiraan ay dalka Israa’iil u dirtay 100 Diyaaradaha Drone ee is qarxiya, kuwaas oo la filayo inay gudaha Israa’iil ku gaaraan muddo saacado ah, waxaana diyaar garow dagaal galay Yuhuudda oo ay taageerayaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ilaalada Kacaanka Iran ayaa shaacisay inay tobanaan diyaradood iyo Gantaallo ku weerartay Isreal, taasoo jawaab u ah weerarkii Yuhuudda ku qaaday Qunsuliyadda Iran ee magaalada Dimishiq oo lagu dilay saraakiil Iiraaniyiin ah.

Ad

Diyaaradaha Drone ee Iran ku weerartay ayaa la sheegay inay gaarayaan 100 ilaa 500 diyaaradood, waxaana la filayaa in Gantaalaha Plastic ah ku weerarto Israel, kuwaas oo keena dagaal weyn oo ka qarxa Bariga Dhexe.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel Hagari ayaa sheegay in ciidamada iyo kuwa cirka ay u diyaar garoobeen diyaaradaha Drone-ka Iiraan ee la filayo inay saacado ku gaaraan gudaha Isreal.

Warar kale ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta Yeman ay diyaarado Drone oo weerar ah u soo dirtay Isreal, iyadoo sidoo kale ururka Xisbullah ee Lubnaan uu Madaafiic ku weeraray Israel, waxaana la filayaa in weerarka tooska ah uu bilowdo aroorta hore.

- Advertisement -

Telefishinka Iran ayaa caawa saqdii dhexe sheegay in weerarka ilaalada kacaanka Iran uu wax yar ka hor billowday ayna ku bartilmaameedeen dhulalka la haysto ee Falastiin oo ay ula jeedaan Yuhuudda.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan weerarka Iiraan, isla markaana la howlgeliyay nidaamyada difaaca cirka.

Xaalad dagaal ayaa ka taagan Bariga Dhexe, waxaana laga cabsi rabaa in weerarka aargoosiga ah ee Iran uu dhaliyo dagaal ku fida Bariga Dhexe, iyadoo uu hore u socday dagaalka Gaza.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow
Exit mobile version