Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Xukuumadda ku eedeeyay inay dayacday Amniga Muqdisho, kuna mashquushay…

Guddiga Difaaca & Amniga ee Golaha Shacabka ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay inay habacsanaan ku wajahday xaaladda ammaanka Muqdisho xilli ay ku mashquushay Mooshinka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in xaaladda amni darro ee Muqdisho iyo Qaraxyada ka dhacay magaalada Muqdisho ay su’aalo ka weydiin doonaan laamaha amnoga dowladda, si jawaab loogu helo sababta looga hortegi la’ yahay weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee ku soo noqnoqday Muqdisho.

Gudoomiyaha Gudiga Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in laamaha amniga dhaxdooda ay ka jirto habacsanaan, isagoo intaas ku daray in nidaamka sugida amniga Muqdisho ay wax badan ay ka khaldan yihiin, balse arrintaasi wax la iska weydiin doono.

Ad

”Xildhibaanada qaar iyo Masuuliyiinta Dowladda waxa ay ku mashquuleen howlaha Mooshinka, iyaga oo hakiyay shaqooyinkii waajibka ahaa, midaas looma baahna, anaga waan la kulanay laamaha amniga waxna waa laga weydiiyay dhacdooyinkii amniga la xiriiray ee dhowaanahan dhacay” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Gudoomiyaha Gudiga difaaca Golaha Shacabka.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version