Golaha Wadatashiga iyo Midowga Musharixiinta oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Doorashada iyo Dalab la…

Golaha Wadatashiga Qaran iyo xubno ka mida Miowga Musharixiinta ayaa markii ugu horeysay in muddo ah kulan khadka ZOOM-ka ah ku yeeshay, iyagoo ka hadlay xaaladda Doorashada iyo cabashada ka taagan.

Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka caawa guddoomiyay, waxaana ka qeyb galay wakiilo metelayey Midowga Musharraxiinta oo kala ahaa: Madaxweyneyaashii hore Shariif Shiikh Axmed, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Musharax C/raxman C/shakuur.

Dhinaca Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa ka qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug, Hishabelle, Jubbaland iyo K/Galbeed, waxaana wehliyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ad

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah waxaa warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal kaas oo faahfaahin ka bixiyay dib u dhacyada ku yimid jidwalka doorashooyinka, hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta ay uga baahan yihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Midowga Musharixiinta ayaa Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ka dalbaday in la saxo qaladaadka iyo boobka hareeyay Doorashada iyo Habraaceeda, iyagoo soo jeediyey in marka hore laga shiro xalinta dhibaatooyinka ka taagan Doorashada.

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardargaliyo qabashada kuraasta doorashooyinka iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawaan looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

Exit mobile version