Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo saddex Qof ku dilay Ceelasha Biyaha, kana tegay meydadkooda.

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari ka mida kolonyada ciidamada Amisom uu dulmaray Mooto yar ay la socdeen askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Shilkan oo ka dhacay degaanka Ceelasha biyaha ayaa waxaa ku dhintay laba askari oo ka tisan ciidamada dowladda iyo Darawalkii Mootada ku waday, waxaana meydadkooda ka muuqday inay si fool uu gaariga AMISOM oo ahaa nooca gaashaam uu u jiiray, iyadoo mootadii ay waxyeeloc culus kasoo gaartay.

Ciidamada AMISOM ayaa socodkooda iska watay oo aan u istaagin saddexda qof ee ay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxayna wararku sheegayaan in askar kale ay kasoo daba baxeen, si ay u joojiyaan ciidamadaasi, waxaana is rasaaseyn dhex maray labada dhinac.

Ad

AMISOM ayaa caadiyaan u istaagin marka auy shilal ku lug yeeshaan ama ay qasaare dhimasho iyo dhaawac ka geystaan wadooyinka, taasoo muddo qaadatay inay qirtaan ama ay jawaab ka bixiyaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow
Exit mobile version