Sunday, December 3, 2023

Yuusuf Jimcale oo khilaaf ka dhex abuuray ku-xigeenadisa iyo xilkii Ku-simaha oo la isku heysto

Wararka laga helayo xarunta maamulka Gobolka banaadir aya asheegaya inuu khilaaf ka taagan tahay cidda noqoneysa ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadib safar uu dalka uga dhoogay Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xogta la helay ayaa sheegysa in Guddoomiye Yuusuf Boorsaani uu xilka ku-simaha u dhiibay Ku xigeenkiisa dhinaca Amniga Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), iyadoo uu caadiyan xilkaasi lahaa guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Ciise Maxamuud oo ku ssteysan ku-xigeenka koowaad.

Wararka ayaa sheegaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu saxiib la yahay ku xigeenkiisa Amniga, taasoo keentay inuu ka dhigto ku-sime safarkiisii ugu danbeeyay ee uu shalay ku aaday dalka Masar.

Ad

Dhinaca kale Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa la sheegay inuu xun yahay xiriirka kala dhaxeeya saddexda guddoomiye ku-xigeen ee ka, iydaoo ay wada-shaqeyntoodu liidato, waxayna hadda ka hor yimaadeen go’aanka uu ku-simaha uga dhigay ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda.

Khilaafka Ku-simenimada Guddoomiyaha Gobolka oo muddo dheer so taxnaa ayaa waxaa sabab u ah rabitaanka Guddoomiyaha markaas xillka haya iyo Sharciga maamulka Gobolka oo ku saleysan dowladii Kacaanka oo aan lahayn xeer.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah mamul aan la soo dooran oo uu soo magacaabo madaxweynaha dowladda Federaalka, iyadoo khilaafaadka u dhaxeeya xubnaha loo magacaabo uu joogto noqday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON