Thursday, April 24, 2025

Yuu u xiran yahay Weriye C/casiis Gurbiye..? (Madaxtooyada oo beenisay & Liiska Qodobadda lagu eedeeyay)

Tifaftirihii iyo agaasime ku xigeenkii warbaahinta Gooboog ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii shanaaad u xiran dowladda Soomaaliya iyadoo loo gudbiyey xabsiga Dhexe ee Xamar.

Sida ku qoran Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir wuxuu Weriyaha ku eedeysan yahay qobaddo dhowr ah oo uu ka mid yahay qodobka 220-aad ee Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, kaasoo ku saabsan: “Aflagaado Hay’adda Madaxweynaha Qaranka”, waxaana kiiska lagu heyso uu salka ku hayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray.

Agaasimaha Warbaahinta Goojoog Xasan Maxamuud ayaa sheegay inuu Weriye C/casiis Gurbiye u xiran yahay Madaxtooyada Soomaaliya, laakiin sida uu sheegay agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed wuxuu beeniyay in Madaxtooyada ay Dacwad kusoo oogtay tifaftiraha Goobjoog, wuxuuna sidaasi u farriin ugu sheegay Hay’adda CPJ ee u dooda xuquuqda saxafiyiinta. (Akhiso)

Ad

Waxaa dad badan is-weydiinayaan in xeer ilaalinta ay iskeed dacwad ugu soo oogtay Weriye C/casiis Gurbiye, iyadoo aanay amrin Madaxtooyada, waxaana arrinta uga sii daray markii Maxkadda la horgeeyay Weriyaha 14-kii bishan markii lasoo eedeeyay dacwadiisa dib looo dhigay, degdegna loogu diray xabsiga Dhexe.

Dadaal ay wadeen dad kala duwan oo lagu doonayey in damiin lagu sii daayo Weriyaha inta dacwadiisu socoto ayey diiday maxkamadda Gobolka Banaadir; iyadoo garsooraha dacwaddan gacanta ku haya iyo guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir ay ka cago jiideen in damiin lagu sii daayo sababo aan la ogeyn dartood.

Dad badan ayaa aaminsan in xariga weriyaha uu salka ku hayo sidii cadaadis loo saari lahaa, laguna cabsi gelin lahaa, taasoo ka muuqata sida degdegta ah ee xabsiga Dhexe loogu diray iyo in laga diiday damiin lagu sii deyn lahaa.

- Advertisement -

Qodobadda lagu soo eedeeyay Weriye C/casiis Axmed Gurbiye, waxaa ka mida:

Qodobka 220-aad oo qoraya: Aflagaado sharafta iyo haybadda madaxweynaha; Qodoba 271-aad Xushmad darraynta madaxda dowladda dhaawcaysa Loona adeegsadey sawir-gacmeed iyo Qodobbo kale

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON