Waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan magacaabidda Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, kadib markii la xaqiijiyey inuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo go’aansaday inuu xilka ka qaado guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Wararka ilaa xalay laga helayey aya asheegayey in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabayo C/llaahi Sheekh Xasan oo si weyn u taageera Farmaajo, ayna xigto yihiin Cumar Filish, kaasoo dhowaan kusoo fashilmay doorashadii Aqalka Sare markii uu ka guuleystay Senator Muuse Suudi.
Sidoo kale waxaa maanta soo baxday hadal-heyn ku saabsan in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabayo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamud Axmed Nur (Tarsan) oo sidoo kale looga adkaaday Kursigii Aqalka Sare ee uu kusoo baxay Prof. Cusmaan Dufle.
Danjire Tarsan ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dowladii KMG ahayd ee Sheekh Shariif, waxaana uu taageero u noqday Farmaajo, taasoo keentay in loo magacaabo safiirka Kenya.
Dhinaca kale waxaa jira sadaal aan badneyn oo u ku saabsan in xilkaasi loo magacaabi karo maareeyihii hore ee dekadda Muqdisho Cabdi Jiinow oo mar badan uu xilal ka ballan qaaday Farmaajo, balse uu uga baxay. Cabdi Jiinow ayey isu dhow yihiin La-taliyaha Farmaajo Prof. Cali Maxamed Geedi.
Waxaa kaloo suuragal ah in xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu Farmaajo u magacaabo qof aan la fileyn, sida uu ku yimid Guddoomiye Cumar Filish oo ugu danbeeyay saddex Guddoomiye oo uu magacaabay intii uu xilka hayey.
