Waxaa la shaaciyey ninkii ka dambeeyay weerarkii Mindi-da loo adeegsaday lagu qaaday Kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiis oo lagu dilay saddex qof, tiro kalena lagu dhaawacay.
Nin kasoo jeeda dalka Tunisia oo 21 sano jir qaxooti ah, laguna magacaabo Brahim Aoussaoui ayaa ka danbeeyay weerarkan, isagoo Bil ka hor uun galay Yurub markii uu ka degay jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga 20-kii September, kadibna wuxuuu gudbay magaalada Paris 9-kii Oktoobar, sida uu muujinayo dokumentigii safarkiisa ee Laanqeyrta Cas ee Talyaaniga.
Ninkan wuxuu shalay aroortii tegay magaalada Nice, isagoo Tareen u raacay, wuxuu kadib degdeg u bedelay dharkii uu watay, kadibna sida Caamerada CCTV muujisay wuxuu goobta weerarka ee magaalada NICE tegay 8:30 subaxnimo halkaasoo uu muddo nus saac ah ku sugnaa, sidaasina waxaa warbaahinta u sheegay xeer ilaaliyaha Faransiiska Jean-Francois Ricard
Brahim wuxuu weerarka ka fuliyey Kaniisadda Notre Dame basilica, wuxuuna dilay 3 qof oo laba ka mida uu gowracay, Booliska Faransiiska ayaa goobta tegay 10 daqiiqo kadib, waxayna 14 jeer toogteen ninkan, wuxuuna noqday dhaawac culus, iyadoo sidaasi lagu qabtay, lana geeyay Isbitaal, waxaana laga helay inuu watay alaabaha soo socda:
– Kitaab Qur’aan ah
– Mindiyo dhowr ah
– Laba Telefoon oo Mobile ah
– iyo Boorso ay dokumentiyo ugu jiraan
Ciidamada Amniga Faransiiska ayaan wax aqoon ah u lahayn ninkan 21 sano jir ah oo weerarka fuliyey, mana jirin warbixin ay ka heysteen, wuxuuna ku dhawaaqayay ‘Allahu Akbar’ intii uu weerarka waday, intii la tooganayey iyo intii weliba daweynta lagu hayey.
Dalka Faransiiska ayaa la geliyey xaalad degdeg ah, iyadoo weerarrada Mindiyaha (Tooreyda) loo adeegsanayo ay cabsi weyn ku hayaan dadka dalkaasi, waxayna arrintan salka ku heysaa carada ka dhalatay aflagaadadda Faransiisku ku hayo Nebi Muxamed NNHK iyo Diinta islaamka oo sawir-gacmeed ceebeyn ah ay ka sameeyeen.
Dalka Tunisia oo ninkan uu kasoo jeedo ayaa baaritaan ku bilaabay kiiskan, waxaana warbaahinta kasoo muuqatay hooyadiis oo aad uga xun falka uu geystay, waxaana arrintan si weyn u cambaareeyay dowladaha iyo dalalka dunida.




