Sunday, January 26, 2025

Yusuf Indha-cadde: “Wixii dhimanaya ha dhinteen, Waa in Ahlu-suna laga saaraa Galmudug, waa kaankaro..”

Wsiiru dowlihii hore ee Gaashaandhigga dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa ku baaqay in lasoo afjaro kooxda Ahlu suna oo uu ku tilmaamay Kaankaro ay tahay in la gooyo.

“Saddex Dowladood ayey la heshiiyeen, sheekh Shariif, Xasan iyo Farmaajo. Dowlad kasta waxay siisay, xilal Wasiiro, Garaado ilaa Jeneraal, lacag iyo wax kasta oo ay sheegteen, haddana hubkooda ayey soo qaateen oo dagaal bilaabeen..” ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde oo ka deyriyey heshiis lala galo Ahlu suna.

Mar uu ka hadlayay kooxda ayuu sheegay inaysan ahayn ahlu suna oo ay yihiin Ahlu shar. “Suuragal ma aha in la qanciyo nimankaas; xitaa Galmudug kuma qancayaan.. Nimankaas waa Kaankaro iyo fitno, xal kale ma laha.. Nimankaasu wixii dhimanaaya ha dhinteen waa in Galmudug meesha ku adkaato oo ka taliso ama iyagu u haraan oo Galmduug meesha ka baxdo, xal kale ma jiro”. ayuu ku dooday Indha-cadde.

Ad

Wuxuu usoo jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor inuusan wax gorgortan ah ka gelin dagaalka Guriceel. “Wixii ka dhici lahaa waa ka dhaceen,. waa inuu nimanaas xididka u siibaa..” Yuusuf Indha-cadde.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON