Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa codkiisa ku biiriyey qeylo dhaanta lagu dalbanayo in xoriyadiisa loo soo celiyo Milkiilaha Astaan TV C/mannaan Yusuuf Maxamed oo toddobaadyo ku xiran magaalada Hargeysa.
Qoraal uu Yusuuf Garaad u diray maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Waxgaradka Somaliland ayuu ku yiri: “Waxaa uu dhowr usbuuc ku xiran yahay Hargeysa, Weli ma jirto Maxkamad qaadday dacwaddiisa iyo xukun ku dhacay toona. Wararka ku gadaaman qabashadiisa iyo sida kiiskiisa loo wajahay waa kuwo ay igu adag tahay in aan rumeysto in ay Hargeysa ka dhici karaan..”
Wuxuu sheegay in haddii dembi jiro, shakhsi ahaantiisa iyo hey’adda uu mas’uulo midna aysan ka sarreyn qaanuunka. Wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey: “Mas’uuliyiinta Somaliland ee kiiskan gacanta ku haya, kuwa uu khuseeyo iyo waliba inta wax ka gasha waxaan ka codsanayaa in kiiska Cabdimannaan dhug loo yeesho. In la xaqiijiyo in xeer ilaalintu ay kiis dhab ah ku soo oogto, Maxkamad Caaddil ah oo ku dhaqmeysa habraaca Garsoorkuna ay dacwadda qaaddo.Haddii aan kiis lagu hayn ama laga baaqsan karo Maxkamad, waxaan mas’uuliyiinta awooda ugu baaqayaa in muwaaddinkaas Soomaaliyeed xabsiga laga sii daayo. Sharaftiisa, karaamadiisa iyo ganacsigiisana aan intaas ka badan wax loo dhimin..”
