Ciidamada Israa’iil ayaa goor dhoweyd shaaciyay inay dileen hoggaamiyihii ururka Xisbullaahi ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah iyo madax kale oo ka tirsan xisbigaasi.
War kasoo baxay Taliska Ciidamada Yuhuudda ayaa ku dhawaaqday in weerarkii xalay lagu beegsaday xaruntii dhexe ee ururka Xisbullaah iyo Bartii hoggaaminta howlgallada ciidamada Xisbullaah lagu dilay Xasan Nasrallah iyo taliyihii ciidamada xisbiga Cali Karaki.
Weerarka waxaa qaaday Diyaaradaha Dagaalka Mareykanku farsameeyo ee F-35 oo adeegsaday 85 Gantaallada culeyuskoodui gaarayo 1 Tan, waxayna awood u leeyihiin inay ka gudbaan dhismooyinka waaweyn, ayna burburiyaan Goobaha dhulksa hoostiisa ah.
Dilka Xoghayaha guud ee Xisbullaahi Hassan Nasrallah oo ah hoggaamiyaha Sare ee ururkaasi, ayaa noqonaya khaarijintii ugu weyneyd ee ay Yuhuudda ku qaado ururkaasi oo muddo dheer la dagaalamayay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ururka Xisbullah uu goor dhoweyd shaaciyay inuu shahiiday hoggaamiyahoodii ahaa xoghayaha guud ee ururka Sheekh Xasan Nasrallaah.