Wednesday, May 21, 2025

Yuhuudda oo Magaalada Beyruut ku dishay Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Xamaas

Ciidamada Yuhuudda ayaa Weerar duqeyn ah ku khaarijisay hoggaamiye sare oo ka tirsan Garabka siyaasadda ee ururka Xamaas iyo laba ka mida saraakiisha Garabka hubeysan ee kooxdaasi ee Qasaam.

War rasmi ah oo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas soo saaray ayaa lagu sheegay Israa’iil ay dishay Saalaxh Al-Caruur oo ahaa ku-xigeenka madaxa xafiiskeeda siyaasadda Xamaas iyo laba hoggaamiye oo ka tirsan guutadaka Al-Qassam ee ururkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay Ddhismo ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Beirut fiidnimadii caawa oo Talaado ah 2 Janaayo 2024, waxaana fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka.

Ad

Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Mushrifiyah ee duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut kaasi oo lala beegsaday dhismo uu xafiis ku leeyahay xarakada Xamaas.

Laba qarax oo waaweyn ayaa burbur weyn u geystay mid ka mida dhismaha la duqeeyay, waxaana gebi ahaan buburay Daartii dabaqa ahayd ee weerarki ka dhacay.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay in duqayntan ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay, taasoo la beegsatay xafiis ay Xamaas ku leeyihiin magaalada Mushrifiyah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON