Sunday, November 10, 2024

Yuhuudda oo Isbitaalka Shifa ee Gaza Xoog uga saartay Bukaano, Dhaqaatiir & 5000 qof

Taliska Yuhuudda ayaa si qasab ah ku amray Bukaannadii, Barkacayaashii iyo Dhaqaatiirtii isbitaalka weyn ee Shifa ku sugnaa inay ka baxaan halkaasi, kadib maalmo ay heysteen isbitaalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza, Muniir Al-Bursh, ayaa sheegay in ciidmada Yuhuudda ay Saaka oo Sabti ah ku amreen inay ka guuraan Dhismaha weyn ee Al-Shifa, lagana saaro dhammaan dadka.

Waxaa isbitalaka u haray 5-dhakhtar oo keliya, si ay ula socdaan qaabka loo saarayo dhaawacyada, iyadoo 120-qof oo dhaawac ah, kuwaas oo xaaladoodu halis tahay, kana mid ahaa 650-kii qof oo dhaawaca ahaa.

Ad

Dadka Ciidamada Yuhuudda kasoo saareen Isbitaalka Shifa kuwooda socon kara ee barakacayaasha ah oo gaaraya 5000 qof, dhaawacyada iyo shaqaalihii caafimaad, ayaa lug ka bilaabay Isbitaalka, iyagoo u socda ilaa 15 KM inta aysan gaarin Koonfurta Gaza, waxaana laga cabsi qabaa inay dad liida dhexda uga dhintaan.

Arrintan ka dhaceysa Xarunta Caafimaadka ee ugu weyn Marika Gaza ee Isbitaalka Al-Shifa ayaa lagu tilmaamay dembi dagaal ah, waana falkii ugu foosha xumaa ee ay Israa’iil kula kacdo Falastiiniyiinta Marinka Gaza oo ay dagaal ku heyso in ka badan 40 maalmood.

Dhowaan ayay ciidamada gumaysiga Israa’iil xoog ku galeen cisbitalka Al-Shifa ee marinka Gaza, waxayna ka dhigeen xabsi weyn kadib markii ay diideen in la soo galo ama laga baxo, iyagoo qarxiyay bakhaarka dawooyinka iyo qalabka caafimaadka, kana jaray Biyaha, Korontada iyo cuntadii.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON