Ciidamada Yuhuudda ayaa caawa qaaday weerarkii ugu weynee dad shacab ah lagu laayey intii uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel ee maanta galay maalintii 12-aad.
Diyaaradaha Dagaalka Yuhuudda ayaa si bareer ah fiidkii caawa duqeeyay Isbitaalka Al-Ahli Macmadaani ee ku yaalla Bartamaha magaalada Gaza, waxaana halkaasi la xaqiijiyay inay ku dhinteen boqolaal qof.
Ilaa hadda oo wararkii ugu horeeyay kasoo baxayaan waxaa la xaqiijiyay inay duqeynta Isbitaalka Ahli ee Gaza ku dhinteen in ka badan 500 qof; iyadoo waxa dhacay lagu tilmaamay xasuuq.
Muuqaallo laga soo qaaday Isbitaalka ayaa muujinaya meydad la kala gaaran waayay oo daadsan dhammaan dhismaha Isbitaalkaasi, waxayna dadkaasi la xasuuqay ahaayeen dad dhaawac ah, Barakacayaal, Dad xanuunsan iyo ehelkoodii la joogay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa in duqeynta Yuhuudda lagu laayay in ka badan 500 oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, isbitaalkana isu bedelay Qabri.
Faahfaahinta duqeyntan oo si weyn looga baxay ayaa weli soo baxeysa, waxaana si weyn u cambaareeyay dad