Duqeyn iyo dagaallo culus ayaa dib uga bilowday Marinka Gaza ee Reer Falastiin, kadib markii ay dhammaatay xabbad joojintii socotay toddobaadka.
Diyaaradaha dagaalka Yuhuudda ayaa bilaabay inay duqeyn is dabajoog ah ka fuliyaan Waqooyiga iyo Koonfurta marinka Gaza, iyadoo tobanaan Falastiiniyiin ah ay ku dileen dhismooyin ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaza.
Xabbad-joojin socotay toddoba maalmood, oo soo bilaabatay 24-kii Novembar oo laba jeer la kordhiyay, ayaa oggolaatay Xamaas iyo Israa’iil ay is weydaarsadeen maxaabiis ay kala heysteen.
Saacad kahor inta aysan dhammaan Xabbad joojinta Subaxnimo ayey Israa’iil sheegtay inay ka hotagtay Gantaal laga soo riday Gaza. Sidoo kale dagaallo fool ka fool ah ayaa ka qarxay Waqooyiga Gaza.
Xaaladda ayaa mar kale ku laabtay dagaal buuxa oo duqeyn iyo dagaal toos ah isugu jira, waxaana gantaalaha Xamaas ay gaareen Magaalada Casqalaan ee Yuhuudda, halkaasoo si toos ugu dhaceen Guryo iyo Gaadiid.
Israa’iil ayaa sheegtay inay afar askari ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay Magaalada Gaza, iyadoo qasaraha ciidamada Yuhuuda inta badan la qariyo.