Yoweri Musevani : “Marna ma xanuunsan 31-kii sano ee aan madaxweynaha ahaa..!”

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani oo sii gaboobaya ayaa sheegey in waligiis uusan xanuunsanin intii uu madaxweynaha ahaa.

Madaxweynaha Uganda oo ah nin ku dhegan diinta Kirishtanka ayaa yiri “Waligaa miyaad maqashay Musaveni ayaa xanuunsaday oo isbtitaal yaalla, 31-kii sano ee la soo dhaafay? Maxaa yeelay waxaan raacaa xeelado caafimaad taas oo ugu dambeystii caawiso ka hor tagga cuduradaas. Qeyb badan oo cuduradaas ka mid ah waa laga hor tagi karaa”.

Hadalkan ayaa dad badan ula muuqda mid layaab ah marka la eego tirada madaxweynayaasha ee xanuunsan sanadkan oo kaliya.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa muddo dheer London u jooga daweynta xanuun aan nuuciisa wali la shaacin.

Madaxweynayaasha Angola, Zimbabwe, Benin iyo Algeria ayaa safara caafimaad ugu baxay dalka dibadiisa sanadkii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo talada dalkaasi qabtay 1980kii ayay mucaaradku ku dhaliilaan in uu dalka ka maamulo “Sariirtiisa isbitaalka dusheeda”, kadib markuu saddex jeer uu safar caafimaad ku tagay dalkaSingapore, sanadkan oo kaliya.