Waxaa sii socda la-ayaabka laga soo diiwaan gelinayo doorashooyinka 2016, gaar ahaan Aqalka hoose.
La-yaabka ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahaa in musharax Faarax Sheekh C/qaadir uu la soo shir tegay laba musharax oo uu isagu soo qortay, midkoodna ahaa wiil uu adeer u yahay, kuwaasoo sidii loogu talogalay u jilay doorashada riwaayadda ah.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ah saaxiibka weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh, loona aaneeyo dhibaatadii dowladda Xasan Sheekh ee 4 sano oo ay xilka hayeen ayaa dib ugu soo laabtay Baarlamaanka qaabkan.
Musharixiinta uu soo qortay Faarax waxay kala ahaayeen:
1- Cusmaan Axmed Maxamed  Â
2- Ilyaas Maxamed C/kariin
Doorashadii Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa inteeda badan isu bedeshay masraxiyad lala yaabo oo ka liidato doorashadii sanadkii 2012, halkii la filayay inay wanaagsanaato.
Goobjooge.com