Bannaanbax looga horjeedo hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya inay muddo kororsi sameeyaan ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ciidamada dowladda kala eryeen dadkii isu soo baxay markii loo adeegsaday rasaas.
Ciidamada dowladda ayaa xiray dad uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee degmada C/casiis Cusmaan Muxyadiin Cariif oo hadda ah mas’uul ka tirsan Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna u qaabilsan yahay Dhalinyarrada; waxaana la xaqiijiyey inuu xisbiya lahaa abaabulka, balse markii dambe uu ka gaabsaday.
Waxaa weli saldhigga Xamarweyne ee magaalada Muqdisho ku xiran Cusmaan Muxudiin Cariif, iyadoo aanay weli ka hadlin ama dadaal u gelin arrintiisa madaxda Xisbiga UPD ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wararku sheegayaan inaysan dooneynin bannaanbaxaasi iska fogeeyaan mar haddii uu hirgeli waayey, ayna dood weyn ka dhacday in laga hadlo iyo in kale.

Sii deynta Guddoomiyihii hore ee degmada C/casiis iyo mas’uul ka tirsan Xisbia UPD waxaa dadaal ugu jiray Odayaal iyo Siyaasiyiin ay isku heyb yihiin, waxaana dowladda ay u heysataa inuu soo abaabulay bannaanbax looga horjeedo oo an sharci ahayn, waxaana la filayaa in la sii daayo.