Jaha-wareer badan ayaa ka dhashay qaabka dowladda Federaalka u wajaheyso arrimaha abaaraha iyo maamulka deeqaha logu talogalay abaaraha ka taagan dalka oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh la kowsatay.
Ugu horeyn, iyadoo aanay jirin xukuumad iyo Gole wasiiro ayuu Madaxweynaha magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Xaaladdaha abaaraha xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo dood ka dhalatay in xilkan aanu qaban karin xildhibaanka looga jawaabay inuusan xil xafiis leh ee ay tahay arrin samafal oo kaliya.
Muddo kadib waxaa la ogaaday in xildhibaan C/raxmaan C/shakuur sameystay Miisaaniyad, shaqaale iyo arrimo kale, iyadoo dhaqaale badan ku baxayo safarradiisa kala duwan, una xuub siibtay xafiis buuxa.
Kadib dhismihii Golaha Wasiirada cusub, waxay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha baabi’iyeen Wasaaradii Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka, iyagoo sameeyay wasaarad cusub oo qaabilsan Bii’ada iyo Cimilada, taasina waxay mar kale keentay in la is weydiiyo cidda ay hoostagayaan maamulka arrimaha gargaarka iyo abaaraha.
Arrintan waxaa soo shaac bixiyey khilaaf durba ka dhashay cidda la wareegeysa Markab mucaawino siday oo dowladda Imaaraadka Carabta Ugu deeqday Soomaaliya, iyadoo ay isku qabsadeen laba wasaaradood.
Dhacdadda kale ee dadka soo jiidatay ayaa ahayd in xilka Wasaaradii la baabi’iyey ee Gargaarka iyo Maareynta Musiinoobiyinka lagu wareejiyay wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Xersi Jaamac Gaani, taasoo micnaheeedu yahay in arrimaha gargaarka ay toos u hoos tegeyaan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha.
Mar kale ayay xaaladda abaartu noqotay kiis weyn, waxaana kulan degdega oo la isugu yeeray Golaha Wasiirada cusub, ahaana shirkoodii ugu horeeyay lagu magacaabay Guddi heer Sare ah oo Ra’iisal wasaaruhu madax u yahay oo qaabilsan xaaladda gurmadka iyo abaaraha (Halkan ka Akhriso).
Guddigaas oo kaliya maahee waxaa isla shirka Golaha wasiirada dib loogu howl geliyay Hay’addii Maareynta Musiibooyinka oo hoos tageysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirkeeda cusub Axmed Macalin Fiqi, kaasoo soo magacaaabay Guddoomiye iyo afar xubnood oo Hay’adahaasi yeelaneyso.
Dhinca kale waxaa barbar socda Ergayga gaarka ah ee arrimaha Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda doorkiisu meesha ka baray, balse la sheegay inuu la shaqeyn doono wasiir Fiqi iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Inkastoo ay muhiimad weyn leedahay wax ka qabashada Arrimaha Abaaraha, haddana waxaa muuqda shaki badan iyo jaha-wareer mas’uuliyadeed, iyadoo hal shaqo la isugu geeyay laba wasaaradood, xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Laba Guddi iyo Bulshada Rayidka ah oo ay ka joogaan xubno soo taagnaa dhammaan dowladihii hore oo ahaa guddi Gurmad.
Dad badan ayaa arrimahan u fasiraya inuu yahay loolan ku saabsan maamulka mucaawinada oo xafiisyo badan raadinayaan inay saameyn ku yeeshaan xilli Xukuumadda cusub aysan shaqo bilaabin.
