Midowga Yurub ayaa si kumeelgaara u hakiyay tageeradii dhaqaale ee uu siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) qeybtiisa Soomaaliya, kadib wax is daba marin baahsan oo soo baxday.
Warkan oo ay qortay Wakaalad wararka ee Reuters aya alaga soo xigtay laba sarkaal oo ka tirsan Midowga Yurub, halka mid kale aanu xaqiijin arrinta, waxayna timid kadib baaritaan ay Qaramada Midoobay samaysay lagu ogaaday xatooyo baahsan ay ka dhacday gargaarka loogu talagalay in looga hortago macluusha Soomaaliya.
Guddiga Yurub ayaa saami aad u yar ka heystay gargaarka Soomalaiya isagoo biixyay 7 milyan oo doollar oo ka mida gargaarka WFP ee Soomaaliya sanadkii hore, taasoo qeyb ka ah in ka badan $1 bilyan oo deeq ah oo ay heshay.
Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, si gaar ah uma uusan xaqiijin ama u diidin hakinta ku meel gaarka ah, laakiin wuxuu yiri: “Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saameynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.”
Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka ay ku lug leeyihiin xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka tabaaleysan.
Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono kadib markii ay WFP buuxisay shuruudo dheeraad ah, sida hubinta la-hawlgalayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad ee sare ee Midowga Yurub ayaa arrintan xaqiijiyay.