Friday, May 16, 2025

Yaa noqon doona Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle? [3-da Musharax ee ugu cadcad]

Waxaa goor dhow magaalada Jowhar ka bilaabaneysa doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, kadib markii xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Waxaa xilkan u taagan 8 musharax oo Baarlamaanka Hirshabeelle u jeediyay khudbado ay uga hadleen sida ay doonayaan inay u hoggaamiyaan maamul goboleedkii ugu danbeeyay ee laga dhiso Soomaaliya oo sanad gudihii maraya inuu yeesho madaxweyne labaad.

Ololaha doorashada ee tan iyo xalay socday ayaa lagu kala qaatay lacago aan yareyn, waxaana ilaa iminka ugu dhaqaale badan musharaxa lagu magacaabo Daahir Cabdulle Cawaale, kaasoo la sheegay inuu ugu horeeyo saadaasha.

Ad

Musharaxa xiga ayaa lagu sheegay Maxamed Cabdi Waare oo hore xilkan ugu soo tartamay, isla markaana taageero fiican ku leh baarlamaanka Hirshabeelle dhexdiisa, waxaase la sheegay inuusan dhaqaale ahaan kala bar ka hooseeyo musharaxa hore.

Cabdi Faarax Laqanyo waa musharax kale oo ka mida kuwa ugu cadcad, waxayna xogta laga helayo magaalada Jowhar ay sheegeysaa in dhaqaale ahaan laga badan yahay, lagase yaabo inuu kaalimaha hore soo galo.

- Advertisement -

Xildhibaannada maamul Goboleedyada oo looga bartay inay wax ku doortaan dhaqaale, ayaa haddii ay sidaasi xaaladu u dhacdo la filayaa inuu xilkan ku soo bixi karo musharaxa Daahir Cabdulle Cawaale.

Goobjooge

AKHRISO: Magacyada Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ee maanta dhaceysa

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON