Waxaa lagu wadaa in Berri ay magaalada Jowhar ka dhacdo Doorashada Guddoonka Barlamaanka Labaad ee Hirshabeelle, iyadoo la saadaalinayo inay Doorashada ku oo bixi doonaan shaqsiyaad diyaar ah.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle waxaa ku tartamaya: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir) oo kasoo jeeda Beesha Gaaljacel, waxaana xilkan loo wadaa oo kusoo bixi doona C/xakiin Luqmaan.
Jagada Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle waxaa ku tartamaya Xildhibaan Saadaq Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo kasoo jeeda Beesha Baadicade, waxaana la filayaa inuu kusoo baxo Sirjaai Sheekh.
Xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle waxaa u sharxan Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan (Reer Aw-xasan) iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise (Ujeejeen) oo hore u heysan xilkan, waxaana aad loo aamisan yahay inuu ku guuleysan doono Mahad Xasan oo taageero ka heysta dowladda Soomaaliya ayna isku jufo yhiin Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Doorashada si degdegta leh ku socota ee Hirshabeelle oo Madxatooyada Soomaaliya laga hagayo ayaa madaxweyne loo wadaa Cali C/llaahi Guudlaawe oo xilligan doorashada gacan weyn ku leh.