Dadka Muqdisho ayaa shalay ku soo toosay dagaal culus oo ka socda qeyb ka mida magaalada, kaasoo markii dambe noqday mid u dhaxeeya ciidamada nabadsugidda iyo Milateriga.
Ma aha markii ugu horeysay ee labada ciidan ay ku dhex dagaalamaan caasimadda, waxayna dhacdooyinkan noqdeen kuwo joogto ah intii la unkay ciidamada xasilinta caasimadda.
Askar badan oo labada dhinac ah ayaa uga dhintay dowladda isku dhacyada iyo dagaallada u dhaxeeya ciidamadeeda, waxaana weli xal loo helin shaqaaqadii ugu weyneyd ee ka dhacday barta Tiyaatarka Qaranka oo gilgishay madaxda dowladda Federaalka.
Intii la magacaabay taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu la soo baxay qorshe ammaanka caasimadda lagu xoojinayo, isagoo awoodda saaraya caddowga gudaha, isku dhicii ugu horeeyay wuxuu dhex maray ciidamada Imaaraadka tababbaray iyo NISA.
Isku dhacdyada ciidamada ee Sanbaloolshe salka laga gelaya waxay sare u dhaafeen 9 iska hor imaad, marka laga reebo shaqaaqooyinka kooban, waxayna galaafteen nolosha askar iyo dad ka badan 40 ruux, sidaasoo ay tahayna ma muuqato xal laga gaaray inaysan dib u soo noqon.
Dagaalkii shalay waxay dowladda awoodi weysay inay xitaa wax war ah kasoo saarto, lixda qof ee ku dhintay, barakaca iyo qasaaraha ka dhashay waa iska ilow, laga yaabee in dagaal kale berri haddana qarxo.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya waxaa xaqiiqo ah inay u badan yihiin maleeshiyo beeleedyadii Koonfurta Soomaaliya oo weli qaabkaas u abaabulan, magac dowladeedna wata una dagaalami kara, waxaase macquul ahayn dagaal laga dhex abuuro, iyadoo aan xal loo helin qaab dhismeedkooda.
Inkastoo ciidamada xasilinta caasimadda ay howl fiican qabteen, weliba ka wadaan magaalada, haddana waxaa muuqata isku xir la’aan talisyada ciidamada, Â howlgallada aan loo meel dayin iyo amarradda taliya NISA ay xaaladda ka dhigeen mid halis gelin karta natiijadii xasilinta Muqdisho.
Dagaalkii shalay Muqdisho ku dhex maray ciidamada NISA iyo Milateriga waxay dhacayeen, iyadoo Alshabaab ay dilalkii qorsheysnaa ee Muqdisho sii kordhisay, isla markaana weerarro isdaba joog ah ku qabsatay saldhiyadii ciidamada dowladda ee Beledxaawo, Buulogadood, Ceelwaaq iyo Kalabeyr oo saaka ugu danbeysay.
Guddiga soo celinta hantida ciidamada ee uu madaxda u yahay Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) iyo Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa qaadaya mas’uuliyadda wixii shalay ka dhacay Haanta dheer.