Wednesday, November 29, 2023

Yaa ka dambeeya weerarrada lagu qaaday xarumaha Shirkadda Hormuud ee Muqdisho?

Weerarro qaraxyo ah ayaa saacadihii ugu danbeeyay lagu qaaday xarumo ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay caasimadda Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkii ugu danbeeyay xalay lagu qaaday xarunta Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ku lahayd degaanka Muusaaleey ee Ceelasha Biyaha, weerarka ayaa loo adeegsaday Bam Gamceed lagu tuuray.

Sidoo kale Habeen hore ayey ahayd markii qarax kale lagu werarray xarun ay shirkadda Hormuud ku lahayd xaafadda xero Jarmal ee degmada Deyniile, waxaana qaraxaasi loo adeegsaday Miino.

Ad

Labada qarax ayaan geysan wax qasaare nafeed ah, balse waxaa burbur xoogan leh kasoo gaaray dhismihii xarumaha Hormuud ee la weerarray.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxya Shirkadda Hormuud iyo cid sheegatay inay weeraradaasi geystay, balse xogta la helay ayaa sheegaya ay ka danbeyso Alshabaab oo xiriirkeeda shirkadda uu muddooyinkii danbe sii xumaanayey.

Shirkadaha iyo Ganacsatada ayaa kooxaha hubeysan ee Hormuud iyo Daacish weerarro ku qasbaan inay lacago siiyaan, haddii kale ay ugu hanjabaan tallaabo ay ka qaadayaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON