Saturday, October 12, 2024

Yaa fuliyay Duqeyntii Calmadow ee ay isku qabsadeen Puntland iyo Dowladda Somaliya..?

Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhay duqeyn dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay inay ka fulisay degaanada Puntland, iyadoo kaashaneysa saaxiibada Beesha Caalamka.

Taliska milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inaysan wax lug ah ku lahayn duqeynta la sheegay inay ka dhacday buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag oo hoostagta maamulka Puntland.

Dhinaca kale Puntalnd ayaa si dadban u beenisay howlgalka ay shaacisay dowladda Somaliya, iyadoo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Hay’adda NISA aysan ka howlgelin degaanada Puntland oo waxba kama jiraan yahay warka kasoo baxay dowladda Muqdisho.

Ad

Warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya 26-kii bishan May 2024 ayaa lagu sheegay in hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow lagu dilay in ka badan 20 maleeshiyaadka al-Shabaab ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Wararka laga helay Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in qaraxyo laga maqlay degaanka la sheegay in duqeeeyay, laakiin aysan jirin cid xaqiijisay waxa dhacay.

Mareykanka ayaa caadiyan fuliya weerarrada Drone ee ka dhaca Puntland oo saldhigyo waaweyn ay ku leeyihiin Daacish iyo Alshabaab, balse su’aasha taagan ayaa ah in Turkiga oo ah dowladda labaad ee taageerta dowladda Federaalka ay markii ugu horeysay duqeyn ka fulisay Gobolka Sanaag.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON