Wednesday, September 18, 2024

Yaa dilay maxaabiistii u xirneyd Alshabaab? (Faahfaahinta Duqeyntii Dumaaye)

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay duqeyn shalay ka dhacday degaanka Dumaaye ee duleedka degmada Xarardheere, Gobolka Galgaduud, iyadoo bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 167 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

“Howlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka ayaa lagu beegsaday xaruntaasi ay Khawaarijtu ku lahayd duleedka Dumaaye halkaas oo ahayd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday culumada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan qaraxyada, hoyna u ahayd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

“Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.” ayuu raaciyay warmurtiyeedka dowladda.

Ad

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Alshabaab duqeynta kadib ay aargudasho ahaan u dileen shan qof oo maxaabiis ah, iyadoo ku tilmaamay fal laga naxo oo muujinaya arxan-darrada kooxdan.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay in maxaabiitaasi oo ay gacanta ku hayeen oo gaaraya 8 xubnood ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeyntii diyaaradaha Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON