Tuesday, May 21, 2024

Ya dilay Ganacsade Isaaq Gaarow..? (Xogta Khaarijin ka dhacday Muqdisho)

Waxaa Duhurnimadii Jimcaha shalay lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodon, Gobolka Banaadir Ganacsade caan ah oo kasoo jeeda degaanada K/Galbeed.

Nin hubeysan ayaa toogasho ku dilay Ganacsade Marxuum Isaaq Aadan Cali (Gaarow), salaadii Jimcaha kadib, wuxuuna isku dayey inuu baxsado, laakiiin waxaa qabtay ciidamo goobta marayey xilliga uu falka geystay.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir, Saldhigga Booliiska ee degmada Hodan ayaa soo bandigay ninka dilka geystay, waxayna qoraal ay uu soo saray ku sheegay in Dhagar-qabaha la horgeyn doono caddaaladda, si wax looga waydiiyo falka dilka ah ee lagu soo qabtay.

Ad

Dilka Isaaq Aadan Cali (Gaarow) ayaa dhaliyey su’aalo badan, waxaana kulan ay yeesheen siyaasiyiitna iyo xildhaabannada Beesha marxuumka ay dalbadeen in la baaro, maxkamadna lasoo taago denbiilaha, iyagoo sheegay in dilkiisa uu yahay mid ganacsi.

Waxay ku doodeen in dilka uu ninka lasoo adeegsaday ku koobneyd ee ay jiraan dad ka danbeeya in khaarijiyo Ganacsadaha, iyadoo farta ku fiiqay in dilka ay ka danbeyen dhinacyo aan Shabaab ahayn.

Ganacsadaha la dilay ayaa aha in Qandaraasyo waaweyn ka qaata hay’adaha Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Safaarado iyo ajanbi badan, wuxuuna ahaa nin dhismaha Guryaha ku caan baxay

- Advertisement -

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ka hadkay dilka Ganacsadaha, isagoo tacsi u diray Ehelka, Qaraabada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida Naxdinta leh ee ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Isaaq Aadan Cali( Garow).

“Marxuum Ganacsade Garow waxa uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaanay guud ahaan Dalka gaar ahaan Gobolada Koonfur Galbeed oo door ku lahaa Dowlad-dhiska Koonfur Galbeed iyo Hormarinta Bulshada”.” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON